2026, August

Elementor Page #1067

Sida nafta loo edbiyo( loogu tobobaro wanaaga) iyo sababta ay muhiim ugu tahay naftaada.

Sida nafta bini'aadamka loo edbiyo waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag ee uu qofku u baahanyahay, maadaama oo qodka waajib kutahay inuu raadsado qaabab ama siyaabaha uu naftiisa ku edbin karo, waayo taasi waxay ka midtahay daruuriyaadka uu qofku u baahanyahay si uu u awoodo inuu naftiisa xakameeyo, Islamarkaana uu uga hortago in naftu noqoto mid dabayshu wado oo ay maamulaan rabitaanka iyo damacyada naftu ay rabto. Waxay suuragal ah in la raaco qaar ka mida waddooyinka qofku kaga adkaan karo ama uu ku edbin karo naftiisa, taas oo iyadu ku shaqaysa fidradeeda ( dabeecaddeeda asalk ah) wanaagga, Islamarkaan aan u janjeedhin dhinaca anshax-xumada, iyadoo ay sii dhiirtahay in Islaamka iyo dhammaan diimaha samaawiga ahi ay farayaan( Edbinta Nafta). Sidaas darteed waxay waajib ah in la raaco dhamaan tilmaamaha kaa caawinaya inaad naftaada edbiso.